1425 Views

Kabul gaar ahaan garoonka caalamiga ee magaaladaasi oo laga dareemayaa saxmad aad u badan

Kabul gaar ahaan garoonka caalamiga ee magaaladaasi oo laga dareemayaa saxmad aad u badan
____________________________________________________________________________

 Arbaco: August 25, 202

Tani iyo marki ay Taalibaaniyiintu la wareegeen guud ahaan dalka Afghanistaan gaar ahaanna caasimadda Kabul waxaa garoonka caalamiga ee magaaladaasi laga dareemayaa saxmad aad u badan iyada oo dad aad u badan ay doonayaan iney dalka isaga baxaan iyada oo dadka ugu badan oo doonaya iney baxaanna ay yihiin dadki la shaqeeynayey ciidamadi reer galbeedka iyo qoysaskooda.

Ciriiriga garoonka ka jirana qoysas badan oo reer Afghanistan waxay ku abuurtay cabsi iyo dagganaasha la’aan aan la saadaalin karin waxa ay ku dambeyn karto.

Dadka doonaya iney dalka Afghanistaan ka baxaan wixi ka dambeeyey marki ay Taalibaaniyiintu la wareegeen waxaa ka mid ah Nausheen.

Nausheen dadaalka ay u gashay sidi ay u heli lahayd waddo ay ugu baxdo magaalada Kabul xilli ay gacan ku hayanta magaalada ay Taalibaaniyiintu la wareegeen. Magaca gabadhan qisadeeda qoraalkeeda qoraalkan lagu soo bandhigayo ma aha magaceedi saxda ahaa balse uu yahay magac la baddalay si iyada iyo qoyskeedaba ammaankooda loo ilaaliyo.

Nausheen taleefan ayaan kula hadlay. Waa galabnimo Sabti ah oo ay taariikhdu ku beegneyd 21-ka bisha August. Muddo 20 saacadood ahna waxay dhex fadhiday bas yar oo dhex taagan gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kaabuul iyada oo aan helin wax cuno ah iyo suuli toona iyada oo rajeyneyso iney ka mid noqoto dadka raacayo diyaaradda ay leeyihiin ciidamada militariga Hindiya. Balse tani ma sheekada gabagabda safarkeeda oo waxaa isweydiin mudan sida ay halkan ku soo gaartay?

Haddaan dib ugu laabanno 15-kii August. Nausheen, waa haweeney Hindiya u dhalatay oo uu guursaday nin u dhashay dalka Afghanistan oo labada dalna ehel ay ka joogaan, tikidka diyaaradda ay Delhi ugu safri lahayd wuxuu u go’naa 19-ka bisha balse Taalibaaniyiinta ayaa xilligaa magaalada la wareegay, waxaana sidaa ku hakaday dhammaan duullimaadyadii diyaaradaha ganacasiga.

Seygeedana wuxuu dadaal aan yareyn uu u galay sidi uu dalka Afghanistan u xaaskiisa uga saari lahaa. Waxayna soo diyaarsatay baasboorkeeda iyada oo soo xiratay xijaabka buluugga ee (burqa) oo dalka Afghanistaan laga xirto iyada iyo ninkeedana waxay aadeen safaaradda Hindiya ee Kabul si ay u ogaadaan jadwalka muwaaddiniinta Hindiya looga daadgureynayo magaaladaasi.

Marki aan gaarnay safaaradda Hindiya, nasiib wanaag safaaraddu weli wey sahqeyneysay. Balse jawiga wuxuu ahaa mid kacsan. Waxayna xilligaa gubayeen dokumantiyadi iyo waraaqihi safaaradda yaallay. Balse shaqaalaha safaaraddu waxay noo sheegeen ilaa iyo fiidka maalintaasi inuu shaqeynayo. Waxaanna u sheegay aniga iyo qoyska iga jooga Afghanistanaan doonayo inaan fiisa u helo waxaana la igu yiri baasboorada iyo dokumantiyada kale ee loo baahnaa galabta la imaaw. Sidaa ayaan guriga ugu soo laabtay.

“Marki fiisaha nala siiyey dhanka safaaradda waxaa naga soo gaartay farriin noo sheegeyso inan nimaadno meel qarsooni ah oo lo asteeyey dadka la daadgureynayo iney isugu yimaaddaan. Alaab culus maanan sii qaadanin marka laga reebo boorsada gacanta, laptopka iyo taleefanka maadaamaa amniga aan cabsi badan ka qabnay.”

Ilaa iyo 220 qof oo ka mid ah dadka la daadgureyn rabo ayaa guri amnigiisu uu sugan yahay ku sugan oo sugaya in dalka Hindiya loo daadgureeyo. Waxayna isugu jiraan Muslimiinta Hindiya, Hinduu, Siikh iyo Qoysas kale oo reer Afghanistaan ah.

Taariikhdu markay ahayd 20-ka August saacadduna ay mareyso 22:00 waxaa na soo gaartay farriin degdeg ah oo ku saabsan in degdeg ah naloo daadgureynayo. Waxaana naloo sheegay saacad iyo bar gudahood in 7 bas oo yaryar lagu qaadayo oo 150 qof gigada diyaaradahana lagu geynayo.

“Inta aan garoonka u sii soconnay waxaa horay iyo gadaal naga socday ciidamada Taalibaan mararka qaar rasaas ayey ridayeen si ay dadka waddooyinka ku uruursan u kala eryaan, halka ciidamada Mareykankana ay sunta indhaha ka ilmeysiisa adeegsanayeen.”

“Taariikhdu markay ahayd 21-ka Augsut saacadduna ay mareysay 9:30, mid ka mid ah dableyda Taalibaan ayaa dhanka baski aan saarneyn soo aaday wuxuuna su’aalo weydiiyey horjoogihi safaaradda ee na waday taleefankii ayuuna ka qaaday wuuna dharbaaxay xilligaas ayaa nooga cabsi badneyd, waxaanna isniri wey idiin dhammaatay naftayada ayaanna u baqnay, askariga taalibaan ee saa noo galayana da’diisu waxaa lagu qayaasayay 17-18 jir. “Ragga iyo dumarki isdhex fadhiyey waa laga fariisiyey. Baasboorradooda ayeyna Taalibaaniyiintu ka uruuriyeen kaddibna waxay billaabeen iney dadka su’aalo weydiiyaan. Haweenka Hindiya u dhashay ee ragga reer Afghanistan u dhaxay oo aan anigu ka mid ahaa gooni ayaa loo fadhiisiiyey. Mid ka mid ahna askarti Taalibaan ayaana i weydiiyey sababta aan uga baxayo Afganistaan maadaamaa ay doonayaan iney waddanka dhisaan horumarkiisana ka shaqeeyaan, waxaanna u sheegay inaan Taalibaaniyiinta ka baqayo.”

Saacada badan kaddib Nausheen iyo haween kale oo reer Afghanistan waxaa la geliyey bas.

Maalinti xigtay oo ay taariikhda ku beegneyd 22-ka August waxaa laba jeer la soo xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda magaceedana ku soo dartay liiska dadka ugu horreeya ee Kaabuul laga daad gureynayo. 23-ka August waxaa markale la soo xiriirtay safaaradda waxayna u sheegtay 05:30 markay tahay iney tahay goob si gaar ah loo cayimay ay timaaddo.

Saacaddu markay ahayd 08:00 laba bas oo 21 kursi ka kooban balse ay saaran yihiin 80 qof, waxayna gaareen albaabka kore ee laga soo galo garoonka caalamiga ee Xaamid Karazay. Balse xaaladda meesha ka jirta sidi hore waxba kama duwana.

“Dad aad u badan ayaa dadaal ugu jira sidi ay nasiibkooda u tijaabin lahaayeen. Waxaanna arkeynay Taalibaaniyiinta oo dadka karbaash ku garaacaye, rasaasna kor u ridayey. Waxaana naloo sheegay inaan daaqadaha xiranno daahyadana aan cishanno. Jawiga garoonkana wuxuu ahaaa mid cabsi badan. Gudaha iyo dibadda garoonkana waxaa ka muuqday ciidamada Taalibaan iyo kuwa Mareykanka. Waxaana markiba na soo gaaray mas’uuliyiin safaaradda Hindiya ka tirsan waxayna billaabeen iney baasboorrada naga hubiyaan.”

Ugu dambeyn saacaddu markay ahayd 11:20 Nausheen waxay fursad u heshay iney raacdo diyaarad militari oo ku socotay Taajakistan taleefanki gacanta ee ay wadatayna wuxuu ka baxay hawada dalka Afghanistaan.

Walwal, walbahaar, cabsi, iyo daal dheer kaddib Nausheen diyaaraddi sidday 24-kii August waxay caga dhigatay gigada diyaaradaha caalamiga ah ee Indira Gandi ee magaalada Delhi.

Wax yar kaddib marki ay Hindiya ka dagtay ayaan wacay waxanna ku iri ku soo dhawoow “dhulkaaga hooyo”.

BBC

office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post