1131 Views

Nasser Al-Khelaifi: “Neymar kama aanay hor istaagin dib ugu laabashada Barcelona”.

Nasser Al-Khelaifi: “Neymar kama aanay hor istaagin dib ugu laabashada Barcelona”.
____________________________________________________________________________

Milkiilaha Kooxda Paris Saint-German PSG ee u dhashay Dalka Qatar Nasser Al-Khelaifi ayaa dib u booga damqiyay sheekada la xiriirta damaca Naadiga Barcelona ee Xiddiga reer Brazil Neymar Jr oo 2017-kii ku macsalaameeyay lacag dhan €222 Milyan una dhiganta $263 Milyan.

Lacagtaas waxa ay Neymar ka dhigtay cayaartahankii ugu qaalisanaa ee kubadda cagta la kala iibsado, balse sheekada dib usoo kicinta xiisadda PSG & Barcelona ayaa timid kadib markii 2019-kii Barce ay dib u dalbatay Neymar.

Eedeynta ugu badan ee Madaxdii Barcelona ee taagerayaasha ku qasbay in ay xilalkooda baneeyaan 2020-kii waxa ay ahayd in Madaxweynaha PSG uu si cad u diiday in uu ka tago Neymar kadib markii ay u buuxiyeen shuruudihii lagu qaadan karay waa sida ay ku doodeen.

Nasser bin Ghanim Al-Khelaifi oo ka baxay Aamusnaanta ayaa sheegay in marnaba aanay Neymar kala hor istaagin uu ka dhaqaaqo kooxdiisa balse qiyaarkiisa uu ku diiday dib ugu laabashada Camp Nou sanadkii 2019-kii.

Waxa uu Madaxdii hore ee Barcelona ku eedeeyay in ay u abuureen cadaw maadaama kulankii wareegga 16-ka ee Champions League oo ay isku arkeen Barce uu la kulmay “qaylo, Tuuryo iyo in ay jidadka u istaageen taageerayaasha kooxda” xili uu u socday hoteelka uu degi rabay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ciyaaryahanka uu leeyahay go’aanka uu ku joogi karo kooxdiisa ama uu u tagi karo isaga oo tusaale usoo qaatay in heshiis uu kordhiyay Neymar ay muujineyso sida uu kooxdiisa u jecel yahay in uu lasii joogo ilaa 2025-ka oo qandaraaskiisa idlaanayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post