765 Views

Puntland oo war ka soo saartay shirka uu iclaamiyey madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo

Puntland oo war ka soo saartay shirka uu iclaamiyey madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday  ee Farmaajo
____________________________________________________________________________

Arbaco  10/2/2021

Puntland oo war ka soo saartay shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn soo dhaweysay shirkaas, iyadoo shaacisay aysan jirin cid kala tashatay in Garowe lagu qabto shirkaas.


Qoraalkan ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo ah mid aad u kooban ayaa lagu sheegay in Puntland ku talinayso in shirka lagu qabto Muqdisho laguna casuumo dhammaan saamileyda siyasadda dalka iyo beesha caalamka.

“Pumtland waxay soo dhoweynaysaa Shirka lagu baaqay 15 Feb, inkasta oo aan lagala tashan in Garowe lagu qabto. Maadama uu dhamaaday muddo xileedkii Hay’adaha DFS waxay ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Sida muuqata Puntland waxay ka cudurdaaratay martigelinta shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo, in 15 bishan uu ka dhaco Garowe, isla markaana ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post