558 Views

Shir howleed ay isugu yimaadeen Hay’adda Socdaalka iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo ka dhacay Muqdisho

Shir howleed ay isugu yimaadeen Hay’adda Socdaalka iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 19, 2022

Shir howleedkan oo looga hadlayay xoojinta wadashaqeynta labada hay’addood, ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka Dr Aamina Siciid Cali iyo mas’uuliyiin ka kala socday labada hay’adood.

Ugu horeyn Agaasimaha Guud ee Hay’adda Soccdaalka Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabkiisa u leedahay wadashaqeynta labada hay’adood, Agaasimuhu wuxuu kaloo sheegay ujeeddada ugu muhiimsan ee shirkan loo abaabulay ay tahay sidii labada hay’addood uga wadashqeyn lahaayeen, isla markaana u hubin lahaayeen dadka dalka ku imaanaya xaaladda qaxootinimo.

Guddoomiye Hay’adda Qaxootiga Qaranka Marwo Aamino Siciid Cali ayaa soo dhaweeysay soo jeedinta Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ku saabsaneyd wadasheynta labada hay’addood, waxay kaloo shirka uga warbixisay halka ay marayaan xaalada qaxootiga iyo Barakacayaasha dalka ku sugan.

Shirkan oo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay dalabkiisa laheyd ayaa qodobada looga wada hadlay waxaa ka mid ahaa; is dhaafsiga xogta qoxootida dalka jooga, in laga wadashaqeeyo diiwaan-gelinta Qaxootiga dalka imaanayo iyo sidii loo howlgelin lahaa Guddigii Qaran ee go’aan ka gaarista qaxootiga iyo magangalyo doonta dalka imaanaya.

Ugu dambeyn, Dhamaan qodobadii shirka looga hadlay waa la isku afgartay waxaana lagu balamay in Guddi howleed hore u jiray ay u soo gudbiyaaan madaxda labada hay’addood hab-raac shaqo oo ay hore u diyaariyeen guddigu, iyadoo la tixgalinayo Sharciga Socdaalka iyo sharciga qaxootiga Qaranka oo ay ku shaqeeyaan labada hay’addood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post