663 Views

Antonio Guterre oo warqad ka dhan ah Soomaaliya u dirtay madaxweynaha golaha loo dhan-yahay

Antonio Guterre oo  warqad ka dhan ah Soomaaliya u dirtay madaxweynaha golaha loo dhan-yahay
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada aan weli bixin qoondadooda miisaaniyada UN-ka, taas oo ay ku weyn doonto xuquuqdeeda cod-bixinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa warqad ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka Comoros iyo Sao Tome u diray Volkan Bozkir oo ah madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, isaga oo la wadaagay warqadda xasaasiga ah ee ay xuquuqdooda cod-bixinta ku weyn doonaan wadamadaasi ee ay ku jirto Somalia.

Lacagta laga rabo Soomaaliya ayaa gaareysa illaa $ 1,443,64, iyada oo kadib heli doonto xuquuqdeeda codbixinta, gaar ahaan wixii ka dambeeya bisha soo aadan ee September.

Qoraalka uu Guterres soo saaray sidoo kale wuxuu ku sheegay in ay weli wadamadan ka codayn karaan kal-fadhiga hadda socda, balse oo ku eg bisha Sebtember ee sanadkan.

about:blank Sidoo kale Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo oo iyaguna lagu leeyahay qoondada miisaaniyadda howl-galka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay weyn doonaan xuquuqdooda codbixinta ee Golaha Guud ee 193-ka xubnood, sida lagu sheegay warqadda.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyo dhowr ah, waxayna door weyn ka qaadatay arrimaha doorashooyinka oo ugu dambeyn xal waara looga gaaray Muqdisho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post