945 Views

Qaramada Midoobay oo maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada

Qaramada Midoobay  oo maanta  shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada
____________________________________________________________________________

 May 25 2021

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa maanta oo Talaado ah shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya.

War ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Goluhu maanta shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Ammaanka waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada iyo sidoo kale arrimaha banii’aadannimada.

Sidoo kale Shirka waxa warbixinno kooban siin doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post