3183 Views

Ciidamada Qaybta 21aad ma yihiin ciidan qaran ?

Ciidamada Qaybta 21aad ma yihiin ciidan qaran ?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 30 May 2017 | Raggaan waxay sheegteen inay yihiin ciidamada Qaybta 21aad, waxaa kaloo jira kuwa jooga Dhuusamareeb oo iyagana ah 21aad, su’aal ayaan iswaydiiyay:

Ciidamadan idiin muuqda ee degan Cadaado sheeganayana ciidan qaran ma idiinla muuqdaan raggii Cadaado joogay oo ku lebistay dharka ciidamada, waayo tiradooda lama yaqaano waxayna ka andacoonayaan Mushaar iyo qalab la’aan.

Maxay qabtaan oo mushaar iyo qalab lagu siiyaa mar hadaysan talaabo Cadaado ka baxsan joogin Cadawgiina degaannadii Galmudug wada haystaan, yihiina ciidan hal beel oo Xubin & Xeeb ka kooban ?

Sababta ay inta ay ka sheeganayaan u la’ yihiin soow u ma muuqato inaysan ahayn ciidan qaran mar haday Soomaalidu is taqaano ?

Soow ma saxsana fikirka ah in ciidan Soomaaliyeed la helo oo la yaqaano tiradooda, maamul kastana ka soo xulo degaankiisa ciidan ka kooban beelaha degan degaankaas, waayo ciidamadan kuma jiraan ciidan degaamada Galmudug ee 9 degmo iyo barka ka kooban ka socda sida muuqata ?

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment