426 Views

Ardayda ku nool dalkan Maraykanku ay dib ugu noqonayaan dugsiyada iyo Ciidamo loo diyaariyay goobahaas in ay ilaaliyaan

Ardayda ku nool dalkan Maraykanku ay dib ugu noqonayaan dugsiyada iyo Ciidamo  loo diyaariyay goobahaas in ay ilaaliyaan
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 22, 2022

 Iyada oo haatan lagu guda jiro xilligii ay ardayda ku nool dalkan Maraykanku ay dib ugu noqonayaan dugsiyada, ayaa waxa haatan la qorsheeyey in kor loo qaado, ilaalinta ammaanka ee dugsiyada. Qaar ka mida maamulka gobollada ee dalkan Maraykanka ayaa qorsheeyey in macalimiinta dugsiyada la hubeeyo, si ay ardayda u difaacaan, haddii uu dugsiga soo weeraro qof wax tooganaya.

Illaa haatan lama oga waxa tallaabadani ay ka tari karayso, haddii toogasho ay ka dhacdo dugsi ay macalmiintiisu hubaysan yihiin.

Hase ahaatee, waxaa bilahan u dambeeyey waxaa soo badanayey, in kor loo qaaddo ammaanka dugsiyada Maraykanka oo ardayda iyo shaqaalaha dugsiyada dawladdu ay ka badan yihiin illaa 50 milyan oo arday, shaqaale iyo macalimiin isugu jira, ka dib markii uu bishii May ee sannadkan uu nin hubaysani 19 caruur ah ku dilay dugsi ku yaalla gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayay caado ka noqotay in dad hubaysani ay weeraro ka geystaan dugsiyada dawladda iyaga oo marar kala duwan ku xasuuqay arday, macalimiin iyo shaqaalaha dugsiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post