1815 Views

Sawiro:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wasiirka A/Dibadda Eriteriya

Sawiro:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wasiirka A/Dibadda Eriteriya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 –Madaweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyadda Somaliland waxa uu kulan gaar ah kula qaatay wafdi ka socda dalka Eriteriya oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo Maanta gaaray halkaasi.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada waftiga ka socda dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo waftigu ka wada hadleen.

 

Ugu horrayn wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda Somaliland, islamarkaana  ay madaxweynahoodii ku celin doonaan  xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,

“Waftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray Madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki,  si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaaray waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxana uu noo sharraxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ayuu yiri Wasiir  Cismaan Saalax.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa xusay in Madaxweynaha iyo waftiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment