798 Views

Wasiirka Gaashaandhigga UK oo xiisadda Ukraine barbardhigay Naziyiintii Jarmalka

Wasiirka Gaashaandhigga UK oo xiisadda Ukraine barbardhigay Naziyiintii Jarmalka
____________________________________________________________________________


axad: February 13, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga ee waddanka Britain, Ben Wallace, ayaa dedaallada diblumaasiyadeed ee la doonayo in lagu baajiyo in Ruushku uu weerraro Ukraine waxa uu barbardhigay kuwii lagu raalligelinayay Naziyiintii Jarmalka.

Mr Wallace ayaa u sheegay wargayska Sunday Times “waxaa hawada ku jira foorno Munich ah” – isagoo tixraacaya heshiis uu la galay Hitler oo ku guuldareystay inuu ka hortago Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Mr Wallace ayaa sidoo kale sheegay in weerarku uu ahaado mid aad u macquul ah uuna iman karo “wakhti kasta”.

Xilli aan wax natiijo ah laga gaarin dedaallo diblomaasiyadeed oo maalmihii la soo dhaafay lagu doonayay in Ruushka looga baajiyo duullaanka la sheegay inuu ku qabsan rabo Ukraine, ayaa waxaa soo badanaya waddamada muwaadiniintooda kala baxaya Kyiv.

Ruushka ayaa ciidan ka badan boqol kun oo askari iyo hubka noocyadiisa kala duwan ku daabulay xuduudda uu la wadaago Ukraine, waxaana taasi ay abuurtay walaac ah in duullaanka uu billaaban karo xilli kasta.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in halista dhaw ee ka dhalankarta tallaabada Ruushka uu doonayo inuu ka qaado Ukraine ay qiil u samaynayso dadka laga daabulay safaaradda Mareykanka ee Kyiv.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii madaxweynaha Ukraine uu dadka ugu baaqay inay isdajiyaan, isagoo sheegay in cadawga ugu wayn ee ay wajahayaan u yahay cabsida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post