1917 Views

Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay

Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 1, 2018 – Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Banbax Sanadeedka (Annual Retreat) koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka kaasoo ay ka qeybgalayaan dhamaan Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Banbaxan oo uu furay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka ayaa maalmaha uu socdo waxaa looga doodi doonaa Qorshaha Wasaaradda ee sanadka 2019ka iyo tababar ay qaadan doonaan shaqaalaha Wasaaradda.

Ugu horayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka hadlay arrimaha uu quseeyo Banbaxan isagoo sheegay in dhamaan Waaxyaha Wasaaradda ay soo bandhigi doonaan hawlihii ay qabteen sanadkan dhamaanaya ee 2018ka iyo qorshaha sanadka soo socda ee 2019ka.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay furitaanka Banbaxa ayaa yiri “Dhamaan Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradan waxey muhiimad gaar ah u leeyihiin dalka, waad ogtihiin waajibaadka masiiriga ah ee ina saran iyo hawsha ay dadka Soomaliyeed inaga sugayaan, sidaa awgeed waxaa ku faraxsanahay in maanta uu inoo bilowday Banbax howleedkan oo kor loogu qaadayo tayada shaqaalaha islamarkaana looga arinsanayo Qorshaha Wasaaradda ee sanadka soo socda”.

Ugu dambayn, Banbaxan ayaa seddex maalin kadib la soo gabagabayn doonaa iyada oo laga soo saari doono Qorshaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee sanadka 2019ka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment