573 Views

War ka soo kordhay xanuunkii halista ahaa ee ka dillaacay Tanzania

War ka soo kordhay xanuunkii halista ahaa ee ka dillaacay Tanzania
____________________________________________________________________________


Arbaco: July 13, 2022

Saraakiisha caafimaadka ee Tansaaniya oo baaraya cudur ka dillaacay koonfurta ayaa sheegay in baaritaannada shaybaarka ee hordhaca ah ay meesha ka saareen labada fayras ee kala ah Ebola iyo Marburg.

Bukaanada ku nool gobolka Lindi ayaa la kulmay qandho, madax xanuun daran, daal, iyo dhiig-bax – gaar ahaan sanka.

Wasaaradda caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in ilaa hadda uu cudurkaasi soo ritay saddex iyo toban qof. Waxa ay sheegtay in saddex qof ay dhinteen, shan ay go’doon ku jiraan, labana ay ka bogsadeen.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in baaritaannadu ay socdaan, isla markaana la diyaarinayo dawooyin. Madaxa caafimaadka Tansaaniya ayaa dadka ku boorriyay in ay isdejiyaan inta ay baaritaanadu socdaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post