1023 Views

Wararkii ugu dambeyey deegaanadii lagu dagaalamay ee Sanaag

Wararkii ugu dambeyey deegaanadii lagu dagaalamay ee Sanaag
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado , Feberaayo 24, 2020 —Waxaa haatan xaalad deganaansho ah laga dareemayaan deegaanka Hadaaftimo iyo deegaanada kale ee Gobolka Sanaag,halkaas oo ay Maanta ku dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan Soomaaliland iyo Puntland.

 

In kastoo dagaalkaas aan weli sirasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay ayaa hadana taliska Guud ee Ciidamada Soomaaliland waxaa ay sheegeen inay Ciidamada Puntland dagaalka uga qabsadeen hub iyo Gaadiid.

 

 

 

Ciidamadii ka tirsanaa kuwa Soomaalilanad ee saakay aaday dhinaca hadaaftimo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland ayaa dib ugu soo laabtey deegaanka Yubbe oo markii hore ay ka tageen.

 

Dadka deegaanka Hadaaaftimo ayaa waxaa ay sheegayaan in haatan wax dagaal ah uusan ka socon deegaanka,balse weli ay cabsi dareemayaan maadaama Ciidamada Soomaaliland ay weli ku sugan yihiin meel u dhow deegaanka.

 

Puntland dhankeeda weli wax faah faahin ah kama bixin dagaalka saaka Ciidamada Puntland ay deegaanka hadaftimo kula galeen kuwa Soomaaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment