1263 Views

Dab Qabsaday Xero Tahriibayaasha oo ku taalla caasimadda dalka Yemen ee Sanca

Dab Qabsaday Xero Tahriibayaasha oo ku taalla caasimadda dalka Yemen ee Sanca
____________________________________________________________________________

Ugu yaraan 8 Muhaajiriin ayaa ku geeriyootay, in ka badan 170-kalena wey ku dhaawacmeen Xaruun lagu hayo Tahriibayaasha oo ku taalla caasimadda dalka Yemen ee Sanca.

Ma kala cadda waxa sababay dabka xalay ka kacay Xaruntaasi oo ay Kooxda Xuutiyiinta maamulaan.

Muhaajiriin ka soo jeeda Qowmiyadda Oramada ee dalka Ethiopia ayaa la sheegay inay u badan yihiin dadka ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay dabkaasi.

Sarkaal ka tirsan QM oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee Associated Press (AP) ayaa sheegay inuu dabku ka bilowday Dhismo Hangar ah oo ku yaalla meel ku dhow Xarun lagu hayo in ka badan 700 oo Muhaajiriin ah.

Inta badan Muhaajiriintaasi waxaa laga soo qabtay Gobalka Saada, xilli ay doonayeen inay u gudbaan Xuduudka Sacuudiga.

Dabkii ka kacay Xarunta lag hao Muhaajiriinta ee magaalladda Sanca waxa lagu tilmaamay inuu ahaa khataro badan oo ay Muhaajiriinta ku nool dalka Yemen lixdii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post