312 Views

Sacuudiga iyo Masar oo kala saxiixday heshiisyo ku kacaya ku dhawaad sideed bilyan oo doollar Safarkii dhaxal-sugaha Boqortooyada

Sacuudiga iyo Masar oo kala saxiixday heshiisyo ku kacaya ku dhawaad sideed bilyan oo doollar Safarkii  dhaxal-sugaha Boqortooyada
____________________________________________________________________________

 

Talaado June 21, 2022

Dalalka Sacuudiga iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiisyo ku kacaya ku dhawaad sideed bilyan oo doollar intii lagu guda jiray booqasho uu magaalada Qaahira ku tagay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan.

Waa booqashadii ugu horreysay ee dhaxal-sugaha amiirka Sacuudiga uu ku tago meel ka baxsan Gacanka muddo saddex sano ah. Kadib waxa uu u safri doonaa oo wada hadallo uu la yeelan doono madaxda Jordan iyo Turkiga.

Booqashadiisa Turkiga ayaa noqon doonta tallaabadii ugu dambeysay ee dib loogu soo celinayo xiriirkii uu burburiyay dilkii weriyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi loogu geystay Istanbul sanadkii 2018-ka.

Booqashada dhaxal-sugaha ayaa ku soo beegantay ka hor booqashada bisha soo socota uu ku tagi doono gobolka Madaxweyne Biden kaas oo la filayo inuu la kulmo hoggaamiyeyaasha Carabta dibna wuxuu booqan doonaa Israel

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post