297 Views

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo ka baxay Wabxo

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa  deegaanka oo ka baxay Wabxo
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee labadii maalin lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa xalay isaga baxay deegaankaasi.

Sarkaal karirsan ciidamada dowladda Fedaraalka oo lagu magacaabo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in sababta looga soo baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ay tahay amar ka yimid taliska sare ee ciidanka dowladda soomaaliya, hayeeshee uusan ogeyn sababta rasmiga ee ka dambeysa.

Ciidamada isaga soo baxay deegaanka Wabxo ayaa dib ugu laabtay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imanaya deegaanka Wabxo ayaa sheegaya in ay halkaas si nabad galyo ah dib ula wareegeen Ururka Al-shabaab.

Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo dowladda Soomaaliya ay ka bixisay sababta keentay in ciidamadeeda ay kasoo saarto deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post