384 Views

Xildhibaankii Kenya ee loo baadi goobayey dil ka dhacay goob codbixin oo soo hadlay

Xildhibaankii Kenya ee loo baadi goobayey dil ka dhacay goob codbixin oo soo hadlay
____________________________________________________________________________

sabti: AUGUST 13, 2022

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kimilili ee, Didmus Barasa, ee ismaamulka Bungoma ee dalka Kenya, oo lagu eedeeyay inuu toogtay oo dilay kaaliyihii ninka ay siyaasadda isku hayaan ee, Brian Khaemba, ayaa sheegay inuu bari ka yahay dilka la sheegay inuu isagu ku kacay.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta kadib markii uu isku dhiibay booliiska Bungoma Jimcihii, Barasa, ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah inuu si bareer ah rasaas ugu furay Brian Olunga, taa beddelkeeda wuxuu ku adkeystay in dhacdada maalintaa la sheegay ay weli mugdi ku jirto.

Barasa, oo la sheegay in toogashada kadib uu diyaarad qaatay, ayaa sidoo kale ka hadlay sababta uu isagu isugu soo dhiibay booliiska, isagoo xusay inuu u safray magaalada Nairobi, si uu dammaanad uga helo Maxkamadda Sare inta laga soo xirayo.

“Markii aan TV-ga ka daawaday taliyaha booliiska gobolka oo iga dalbanaya in aan isa soo dhiibo, waxaan baabuur kasoo qaatay Nairobi, oo aan meeshan kusoo gaaray, waxaan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo booliiska, si aan aniguna u ogaado waxa dilay wiilkaas dhalinyarada ah,” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku andacoonaya in uusan ahayn qofka kaliya ee hubeysnaa oo goobta joogay, markii uu dhacayay falkii toogashada ahaa ee dhacay 9-kii bishan.

Sida laga soo xigtay sharci-yaqaanku, dad badan ayaa sidoo kale watay hub – oo ay ku jiraan booliiska – kuwaasoo dhammaantood hadda la doonayo inay soo dhiibaan hubkaas la sheegay, si looggu sameeyo baaritaan dambiyeed.

“Maalintii codbixinta waxaa jiray dad kale oo hub sita, oo ay ku jiraan ninkii ila tartamayey (Brian Khaemba), iyo askarigii booliiska ahaa ee joogay goobta codbixinta, waxaan sameyn doonaa codsiyo ah in dhammaan hubkaas lagu sameeyo baaritaanno buuxa,” ayuu yiri intaa ku daray xildhibaanka.

Sida laga soo xigtay xafiiska aggaasimaha dacwad oogista (ODPP), Barasa, ayaa waxa lagu hayn doonaa saldhiga booliiska ee Bungoma, inta laga soo taagayo maxkamad maalinta Isniinta ah.

“Didmus Barasa, oo ah xildhibaan laga soo doortay Kimilili, wuxuu ku qaadan doonaa dhamaadka todobaadka Saldhiga Booliiska Bungoma, iyadoo xafiiska aggaasimaha dacwad oogista uu gudbiyay eedeymaha ka dhanka ah isaga, si looggu oggolaato dambi baarayaasha dilka inay dhamaystiraan baaritaanada. Waxaa la keeni doonaa maxkamada Isniinta, 15-ka bisha August, ee sanadkan 2022,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska aggaasimaha dacwad oogista.

Sida ku cad warbixinta booliiska oo loo soo gudbiyey warbaahinta, toogashadu ayaa waxay dhacday markii ninka ay isku hayaan tartanka codbixinta ee Khaemba, uu gaaray goobta codbixinta ee Chebukwabi, abbaare 6-dii galabnimo ee maalintii ay bisha Agosto aheyd 9-ka, si uu goobjoog uga ahaado habka tirinta codadka.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa uu Barasa kula kulmay goobta doorashada (Brian Khaemba), muranna wuu dhex maray, sidaas darteed waxa uu go’aansaday in uu ka tago wax yar ka dib markii uu yimid.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post