486 Views

Sirdoonka Reer galbeedka oo sheegay in uusan Ruushku wali labixin ciidamadiisa

Sirdoonka Reer  galbeedka oo sheegay in uusan Ruushku wali labixin ciidamadiisa
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Hogaamiyaha gaashaan buurta NATO ayaa sheegay in sirdoonka reer galbeedka ay xaqiijiyeen in Ruushku uusan ka dhabeyn balantiisii ahayd in uu yareenayo dhaqdhaqaaqiisa milatari ee uu ka wada aagga Kyiv iyo wuqooyiga Ukaine.

Yens Stoltenberg ayaa sheegay in ciidamada Ruushka aan la bixin ee la soo daabulayo, si ay dib isugu aruursadaan, sahayda u xoojistaan una sii laba jibaaraan dagaalka ay ka wadaan Donbas.

Sidoo kale Stolternberg ayaa sheegay in Ruushku sii wado cadaadiska milatari ee ku hayo Kyiv iyo magaalooyinka Kale.

Dhanka kale madaxweyne Zelensky ayaa khudbad muuqaal ah oo uu jeediyay ku sheegay in balamihii Mosco ay god dheer ku dheceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post