546 Views

Ajaaniib ku geeriyootay Shil ka dhacay Koonfur Afrika

____________________________________________________________________________

5 Muwaadin oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa ku geeriyootay, 2 kalena si xun ayey ugu dhaawacmeen Shil Gaari oo shalay oo ka dhacay dalka Koofur  Africa.

Warbaahinta dalka Bangladesh oo soo xigtay Qoysaska Marxuumiinta ku geeriyootay Shilkaasi ayaa sheegay in Gaari yar oo ay wateen 7 qof oo Bangladeshi ah uu ku dhacay Gaari Xamuul oo Isjiid ahaa deegaanka Beaufort West oo 1,000 KM u jirta Caasimadda dalka South Africa ee Pretoria.

Shan ka mid ah Raggaasi waxay dhamaantooda ku naf waayeen isla goobtii uu Shilka ka dhacay, halka 2 kalena oo dhaawacmay la dhigay Isbitaalka.

Dhinca  kale, Labada qof ee ku dhaawacantay Shilkaasi waxay Warbaahinta Bangladesh magacyadooda ku kala sheegtay: Anisul Haque iyo qof magaciisa lagu soo koobay Nahid.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post