513 Views

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Boosaaso oo soo kordhaya

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Boosaaso oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday, halka toddoba kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Makhaayad Shaaxa lagu eebiyo oo ku taalla Bartamaha magaalada, sida ay noo sheegeen Goobjoogeyaal.

Kooxaha gurmadka deg dega oo gaaray goobta ayaa qaaday dadka uu dhaawaca soo gaaray, iyadoo la geeyay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso oo hore meesha lagu sii diyaariyay, waxaana makhaayada marka uu dhacayay ku shaaxayay Dhalinyaro badan.

Lama oga cidda gaar ah ee lala beegsaday, balse mas’uuliyadda weerarkaasi waxaa sheegtay Kooxda Al-shabaab.

Laamaha ammaanka Puntland weli faah-faahin kama bixin qaraxan galabta ka dhacay Boosaaso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post