1071 Views

Tallaalka Covid-19 oo la gaarsiiyay magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Tallaalka Covid-19  oo la gaarsiiyay magaalada Mandheera ee Gobolka  Waqooyi Bari Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Iyadoo uu tallaalka cudurka Covid-19 toddobaadkii hore soo gaaray dalka Kenya ayaa Mandheera waxay kamid noqotay magaalooyinka Waqooyi Bari ee laga hirgeliyo tallaalka.

Maamulka magaaladaas ayaa sheegay in saddex koox oo kamid ah dadka safka hore uga jira la tacaalidda cudurka durbadiiba la siiyay tallaalka.

Mandheera ayaa kamid ah meelaha uu ku faafay cudurka, waxaana ay xuduud la wadaagtaa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dr Maxamuud Eda oo ah madaxa caafimaadka ee Mandheera ayaa BBC u sheegay in lasoo gaarsiiyay 6,000 xabbo oo tallaalka ah, wuxuu sheegay in marka hore tallaalka la siin doono howlwadeenada caafimaadka ciidamada iyo macalimiinta.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post