1332 Views

Sawiro:-Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharci Lagu Dhisayo Gudiga Madaxa Banaan Ee La Dagaalanka Musuq

Sawiro:-Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharci Lagu Dhisayo Gudiga Madaxa Banaan Ee La Dagaalanka Musuq
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuqmaasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka.

Ka dib markii uu Golaha Aqalka sare uu ku yeeshay maanta kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa,waxaana Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa 31 Senator, Wasiirka wasaarada Cadaaladda  Abuukate Xassan Xuseen Xaaji.

Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor Akhrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad.

Intaa ka dib waxaa goluhu cod galiyay hidise sharciyeedka dhismaha gudiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaana ansixiyay dhamaan sanatarada soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 (kow iyo sodon Senator)

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment