714 Views

Midowga Afrika oo taageeray qorsho ay horay u diiday dowladda Soomaaliya

Midowga Afrika oo taageeray qorsho ay horay u diiday dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 11, 2021=Warbixin kasoo baxday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa  waxaa lagu taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliya, sanadka soo socda.

Howlgalkan ayaa ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.

Qorshahan oo horey ugasoo baxay guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, ayaa u baahnaan doona oggolaanshaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC), si loo ballaariyo  waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu qeexayaa awoodda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ilaalinta nabadda.

Wuxuu u oggolaanayaa Golaha inay go’aamiyaan jiritaanka wax kasta oo khatar ku ah nabadda, jebinta nabadda, ama ficilogardaro ah iyo inay qaadaan tallaabo milatari iyo mid aan milatari ahayn si dib loogu soo celiyo nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeesatay qorshahan.

Xigasho Hiiraan Online.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post