1236 Views

Maxkamad Go’aan kama dambeys ah ka gaartay Kiiska Wariye Coldoon

Maxkamad Go’aan kama dambeys ah ka gaartay Kiiska Wariye Coldoon
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —Maxkamadda racfaanka Somaliland ayaa waxaa Maanta la horkeenay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon kaas oo horay mudo Saddex Sano iyo lix Bilood ah loogu xukumay,hayeeshee uu racfaan ka qaatay.

 

Maxkamada Racfaanka Soomaaliland ayaa Maxkamada Gobolka Waqooyi Galbeed ee soomaaliland ku ayiday xukunkii hore ee ahaa xabsiga 3 Sano iyo lix bilood oo horay loogu xukumay Wariye Cabdi Maalik Muuse.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Fadhiga Maxkamada ee Maanta aysan joogin qareen difaaca Wariyaha iyo Qoyskiisa intaba,isla markaana aysan jirin Ogeeysiin hore oo ku saabsaneyd in Maanta Maxkamada Racfaanka la horkeenayo.

 

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa horay dhowr mar loo xiray, iyada oo loo heystay Eedeyn kala duwan,hayeeshee kiiskii ugu dambeeyay ee loo xukumay uu ahaa sida la sheegay in uu u gefay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Iskuulka Abaarso oo ku yaalla duleedka Magalada Hargeysa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment