1173 Views

Wararka Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee Shirka Magalada Garoowe

Wararka Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee Shirka Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –Waxaa Maalintii Saddexaad Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka socda shirka wada-tashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

 

Shirkaan oo ahaa kii ugu xasaasinaa ee madaxdaan dhexmara ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin, doorashooyinka, Dastuurka, qeybsiga Kheyraadka iyo Arrimaha Awood qeybsiga, iyada oo waqti dheer uu qaatay shirka.

 

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxaa ay dood adag ka keeneen Sharciga doorashooyinka oo dhawaan ay ansixiyeen golaha Wasiirada kaas oo la filayo in loo gudbiyo Golaha Shacabka, hayeeshee Maamul goboleedyadu ay sheegeen in qodob ka mid ah uu waqtiga xilheynta u kordhinayo Madaxda Dowladda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in inta aan shirka Garoowe la guda gelin ay ka horeyso in xal laga gaaro khilaafka dowladda iyo Maamulka Galmudug.

 

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro muran ku saabsan qodobada qaar oo ay isku fahmi la’yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,hayeeshee waxaa la filayaa in geba-gabada War-Murtiyeed laga soo saaro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment