882 Views

Coronavirus oo 30,000 oo ruux ku dilay Talyaaniga

Coronavirus oo 30,000 oo ruux ku dilay Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Dalka Talyaaniga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ka tirdsan Midowga Yurub ee diiwaangeliya in ka badan 30,000 oo ah dhimasho la xiriira cudurka coronavirus.

Shalay oo Jimce ahayd waxaa la shaaciyay 243 oo dhimasho cusub ah, halka maalintii ka horreysay ay dalkaasi ku dhinteen 274. Tiradan cusub ayaa tirada guud ee dhimashada cudurkaasi ka dhigeyso 30,201.

Tirada maalinlaha ah ee kiisaska cusub ee la xaqiijiyay ayaa wax yar hoos uga dhacday 1,327, taasi oo ka dhigeysa tirada guud ee dadka uu cudurka ku dhacay 217,185 oo oqf.

Xayiraadaha lagu xakamaynayay faafitaanka cudurkani ayaa la billaabay in la khafiifiyo guud ahaan dalkaasi Talyaaniga balse mid ka mid ah dhakhaatiirta dalkaasi ayaa xaaladda magaalada Milaan ku tilmaamay mid halis ah.

Talyaaniga ayaa ah waddanka saddexaad ee ugu sarreysa dhanka dhimashada caalamka oo dhan, waxaana ka sarreeya Mareykanka iyo Ingiriiska

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment