777 Views

Caro ka dhalatay wiil Falastiini ah oo ay toogteen booliska Yahuuda

Caro ka dhalatay wiil Falastiini ah oo ay toogteen booliska Yahuuda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 02, 2020–Boqollaal qof ayaa ka soo qaybgalay aaska nin Falastiiniya oo xaalada Austismka qabay oo ay toogteen booliska Yahuuda xilli uu u socday goob uu ka helo waxbarasho gaar ah.

Iyad Halaq, 32 jira ayaa sabtidii lagu dilay daanta bari ee qudus ee ay Yahuudo haysato isagoo ku socday iskuul dadka baahiyaha gaarka ahi ay tagaan

Booliska Yahuuda ayaa sheegay inay ka shakiyeen in Halaq uu hub sitay isla markaana uu diiday amarkii la siiyey ee ahaa inuu istaago, kadibna la ogaaday inaanu hubaysnayn.

Wasiiraka gaashaandhiga ee Israel Benny Gantz ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dilkani.

“Waanu ka xunnahay shilkaasi lagu toogtay Iyad Halaq, waxaanu la wadaagaynaa muragada qoyskiisa, waxaan hubaa in degdeg loo baadhi doono go’aamana laga soo saari doono ” sidaasi ayuu u sheegay golaha wasiirrada Israa’iil Axadii.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment