324 Views

Dad ku dul socday dhuxulo dab ah si loo dhiirri galiyo ayaa isbitaal lagu dabiibayaa

Dad ku dul socday dhuxulo dab ah si loo dhiirri galiyo ayaa isbitaal lagu dabiibayaa
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Shan iyo labaatan qof ayaa laga daweynayaa dab ay ku gubteen wuqooyiga Switzerland kadib markii ay ku dul socdeen iyaga oo caga-cad dhuxulo nool-nool oo dab ah taas oo qayb ka ahyd jimicsi niyadda loogu dhisayo shaqaalaha.

Saddex iyo toban ka mid ayaa loola cararay isbitaal iyaga oo laga daweynayo dhaawacyo culus oo ka soo gaaray dhacdadaan oo taaladadii ahayd.

Koox balaarran oo gargaarka degdega ah oo gaaraya ilaa toban ambalaas ayaa soo gaaray goobta dhacdada.

Kooxdan ayaa ku dul lugeeyay dhuxulo dab ah oo dhulka lagu daadiyay oo fidsanaa dhawr mitir, isla markiiba waxay dareemeen xanuun daran, sidaas waxaa sheegay booliska.

Saraakiil ayaa bilaabay baaritaan baaritaan iyaga oo cadeymo ka aruuriyay goobta ay wax ka dhaceen oo ah koonfurta magaalada Zurich.

Ku dul socoshada dhuxulo dab ah oo nool-nool ayaa loo yaqaan ku-dul-socosho dab, iyada oo mararka qaar loo isticmaalo casharada dhiiro-galinta iyo munaasabadaha samafalka. Meelo kale oo caalamka aha waxaa looga isticmaalaa qaab tijaabo ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post