1194 Views

NISA oo soo bandhigtay Sawirada saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

NISA oo soo bandhigtay Sawirada saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah Sawirada saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegtay inay isku soo dhiibeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

 

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in 9 ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab ay isku-soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka gedo, iyada oo laba ka mid ah Sawiradooda la soo banmdhigay.

 

Labada Sarkaal ayaa NISA waxa ay sheegtay in Al-Shabaab ay u qaabilsanaayeen maktabka Dacawada  Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba).

 

NISA ayaa horay u sheegtay in howlgallo ay ka sameysay Gobolkan Banaadir iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka inay kusoo qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab wallow ilaa iyo hadda aan saxaafadda loo soo bandhigin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment