1053 Views

Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo maanta lagu soo bandhigaayo xogta Ikran

Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo maanta lagu soo bandhigaayo xogta Ikran
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 18, 2021–Waxaa lagu waddaa in manta magaalada Muqdisho uu ka dhaco shirka Amniga qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo lagu soo bandhigi doono xog ku saabsan waayitaanka Ikraan.

Inkastoo guddiga Amniga qaranka uu yahay mid kala dhantaalan haddana waxaa lagu waddaa in yaraan xogtii uu ballanqaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in maanta lasoo bandhigo lana shaaciyo waxyaabaha keenay Kiiska Ikaraan.

Taliyihii hore ee NISA ayaa maanta soo gaaraya Muqdisho, maadaama shalay laga celiyay dalka Jabuuti oo xalay hadana uu kasoo duulay magaalada Istanbuul sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

NISA ayaa horay u sheegtay in Ikraan Tahlil Faarax ay dileen Ururka Al-Shabaab ka dib markii ay afduubteen , warkaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Ehelada Ikraan iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post