831 Views

Boqor Cismaan oo ka mid salaadiin Somaliland oo dhaawac u gestay Xildhibaan Nuur oo ka tirsan Golaha Wakiillada

Boqor Cismaan oo ka mid salaadiin Somaliland oo dhaawac u gestay Xildhibaan Nuur oo ka tirsan Golaha Wakiillada
____________________________________________________________________________



Arbaco: September 29, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in saakay halkaas ay ka dhacday wax lala yaabay kadib gacan ka hadal dhex maray Suldaan ka mid ah salaadiinta Somaliland Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa dhagax ku  dhaawacay Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

Labada nin ayaa la sheegay inuu ka dhexeeyey dagaal dhinaca afka ah, iyaga oo horey eedo kulul isugu mariyey warbaahinta, kaas oo sababay gacan ka hadal-kooda.

Sidoo kale Sawirro lagu Baahiyay baraha Bulshada ayaa Muujinaya in  xildhibaanka, uu dhiig fara badan ka socda madaxa, kadibna loogu duubay shaatigiisa, iyadoo dad badan ku soo xoomeen goobta, kuwaas oo isla markiiba caawimaad deg-deg ah u fidiyey mas’uulkaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post