315 Views

Dab xoog leh oo ka socda Yurub oo dhan, halkaasoo kuleylka uu sii xoojiyey wajiga abaareed ee jira.

Dab xoog leh oo ka socda Yurub oo dhan, halkaasoo kuleylka uu sii xoojiyey wajiga abaareed ee jira.
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Dab xoog leh ayaa ka socda Yurub oo dhan, halkaasoo kuleylka uu sii xoojiyey wajiga abaareed ee jira.

Inkastoo uu heerkulku uu hoos u dhacay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska, dab damiska ayaa wali la tacaalaya dabka ka kacay Giriiga, Spain, iyo Talyaaniga.

Dabka ka kacay Faransiiska, ee sida u halakeeyey koonfur-galbeed ee dalkaasi, ayaa la bilaabay in la xakameeyo.

Iyadoo kuleylka uu u jiheysanayo waqooyi-bari, ayaa heerka biyaha hooseeya wuxuu caqabad ku yahay gaadiidka wabiyada ee Jarmalka.

Sababaha kiciyey dabka kaymaha Yurub ka holcaya, ayaa waxaa kamid ah:

-Heer kulka oo kordhay dunida 1.1C

-Is badalka cimilada

-Isticmaalka bani’aadamka ee kaymaha oo batay

Dhanka kale, Ra’iisal wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa sheegay in in ka badan shan boqol oo qof ay ku dhinteen dalkiisa, sababo la xiriira heerkulka oo si weyn u kordhay dalkani.

Dhimashadan tirada badan, ayaa timid maalin kadib markii maamulka caafimaadka ee dalka Portugal ay soo sheegeen in in ka badan kun dhimasho oo dheeri ah, oo lala xiriirinayo kuleylka isla muddadaas. Heerkulka ayaa si degdeg ah u kordhay illaa iyo 40 degree.

Dabka kacay ayaa wali kasii ololeynaya dalka Spain, iyo qeybo kaloo kamid ah Yurub, oo ay ku jiraan dalalka Giriiga, Talyaaniga, Slovenia iyo koonfurta galbeed ee dalka Faransiiska.

Wasiirka beeraha ee Faransiiska, ayaa sheegay in loo baahan yahay in lacag badan lagu bixiyo sidii loola dagaalami lahaa dabkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post