957 Views

Ciidamada Dowladda oo howlgal culus ka fuliyay Bariire

Ciidamada Dowladda oo howlgal culus ka fuliyay Bariire
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 14 2020—Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay Howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaano duleedka ka xoga degaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarakiil ka tirsan Ururka 143 oo howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war heleen in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay lacago ka qaadayeen dadka ku nool tuulooyinka ku dhow Bariire,isla markaana sidaasi ay howlgalka ku qaadeen.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daran in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 12 ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale Ciidamada ay weli degaannada ku dhow dhow Bariire ka wadaan howlgalka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post