429 Views

Tirada dhimashada Xanuunka EBOLA ee gudaha Uganda oo korortay

Tirada dhimashada Xanuunka EBOLA ee gudaha Uganda oo korortay
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 24, 2022

Wasaaradda caafimaadka ee Uganda ayaa sheegtay in saddex bukaan oo kale oo Ebola ah ay dhinteen taas oo tirada guud ka dhigaysa afar ruux, tan iyo markii lagu dhawaaqay in uu cudurka dillaacay horraantii toddobaadkan.

Kow iyo toban kiis ayaa la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka gudaha Uganda.

Todobo kale oo dhimasho ah ayaa la baarayaa si loo ogaado in ay xiriir la leeyihiin cudurka ka dillaacay Mubende ee galbeedka caasimadda Kampala.

intii u dhaxaysay 2018 iyo 2020 Cudurkan EBOLA dalka dariska la ah Uganda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa uu ku dilay 2,000.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post