1377 Views

Golaha Wasiirada Puntland Oo Maanta Ansixiyay Xeer Muhiim Ah + Sawirro

Golaha Wasiirada Puntland Oo Maanta Ansixiyay Xeer Muhiim Ah + Sawirro
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 21, 2019 –Golaha Wasiiradda dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta Shirkoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas,waxaana looga hadlay arrimo kala duwan.

Shirka Golaha ayaa waxaa Shir Guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenka Axmed Cali Cismaan Karaash ,waxaana qodobada looga hadlay kamid ahaa arrimaha Amniga deegaanada Puntland , Saameynta Abaarta, Siyaasadda Howlgabka, iyo Arrimo Kale.

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa Maanta sidoo kale ansixiyay Miisaaniyadda 2019 ee Puntland,isla markaana waxaa kulanka goobjoog ka ahaa inta badan ee Golaha Wasiiradda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cali Xasan Axmed Sabarey ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday kadib Warbaahinta la hadlay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment