435 Views

Xiisad Xooggan oo ka Taagan kursiga HOP141 iyo Dorashadiisa oo Dib loo dhigay

Xiisad Xooggan oo ka Taagan kursiga HOP141 iyo Dorashadiisa oo Dib loo dhigay
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 4, 2022

Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle waxaa ka taagan xiisad xooggan oo ka dhalatay qabashada doorashada kursiga HOP141 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo uu 12-kii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiirkii hore ee amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Kursigan oo ka mid ah laba kursi oo ku hartay HirShabelle ayaa waxaa hareeyey dood xoogan iyo murano sababay dib u dhaca doorashada kursigan, waxaana si weyn isugu haya xildhibaankii horey ugu fadhiyey ee Ducaale oo markale u sharraxan iyo 5 musharrax oo iyaguna ku dhowaaaqay inay yihiin isbedal doon, kuwaas oo kala ah:-

1- Dr. Guuleed Cabdi Sheekh Cali oo ah dhaqatar iyo ganacsade, 2-Dr Axmed Gacal Cali Carabow oo soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya3-Marwo Madiino Caamir Maxamed oo soo noqotay agaasimihii shirkadda diyaaradaha ee Soomaali Airline 4-Maxamed Cali Dhiilow oo ah agaasimaha qorsheynta wasaaradda amniga Soomaaliya 5-Sheekh Cumar Xuseen Indhoy oo soo noqday kaaliyihii duqa Muqdisho, sidoo kalena lasoo shaqeeyey World Bank.

Murashixiinta isbeddalka doonka ayaa diidan liiska guddiga xulista ergada ee kursiga HOP141 ee uu dhowaan shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle, waxayna musharxiiintu cabashadooda toos ugu gudbiyeen madaxweyne Cali Guudlaawe, kadib kulan ay kula yeesheen madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle, taas oo keentay in la hakiyo doorashada inta xal laga gaarayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post