1794 Views

Waqtiga Iyo Halka Lagu Qaban Doono Muxaadarada Sheekh Kenyaawi Oo La Shaaciyay

Waqtiga Iyo Halka Lagu Qaban Doono Muxaadarada Sheekh Kenyaawi Oo La Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 12, 2019 –Malyuun oo ah  Gabar dhaawac kasoo  gaarey isbuurashadi ka dhalatay shaley kumanaankii dadweyne ee isuguso baxey muxaadaradii uu ku qabanayey hoolka Sahal ee Muqdisho Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyawi. ayaa xalay sheekha iyo masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ku booqdeen isbitalka Madiino oo lagula tacaalayo xaladeeda Caafimaad.

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo warbaahinta dowlada kula hadlay isbitaalka ayaa u duceeyay inanta dhaawaca ah ee ay booqdeen, waxa uuna fariin gaar ah u direy dadka baraha bulshada u adeegsadey inanta dhaawaceedu inuu ku yimid ujeedo gaar ah laakiin uu sheegay si kama ah ay ugu dhacday rasaasta dadka lagu kala hagaajinaayey, Isla markaana Jimcaha soo socda koonis lagu qaban doono muxaadardi baaqatay.

Basma Caamir Shakeeti Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in dadka reer Muqdisho isusoo baxoodi shalay ay muujinayso jaceylka Diinta Islaamka ay u qabaan iyo iscafinta oo mowduuca qudbada laxariiro.

Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa gabadha bukaanka ah caafimaadkeeda la wareegtay Wasaaraddu waxkasto ku baxa  ka jawaab cad kaso saarey isweydii n  la xariirta goorta iyo halka lagu qaban doono muxaadardi shaley baaqatay oo uu sheegey dowladu iney diyaarineyso koonis …

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa 18-ka bishan oo ku beegan Jimcaha soo socoto ku qaban doono  garoonka Banadir Stadium degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment