636 Views

Isbitaal dhalmada oo uu gantaal ku habsaday Dalka Ukrain

Isbitaal dhalmada oo uu gantaal ku habsaday Dalka Ukrain
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 9, 2022

Isbitaal dhalmada dumarka oo ku yaala magaalada Mariupol ayuu ku habsaday madfac la sheegay in uu Ruushka soo gabay, iyada oo madaxweynaha Ukraine Zelensky uu sheegay in dad badan ay ku hoos xanibanyihiin burburka dhismaha isbitaalka.

Waxa uu ku baaqay in la sameeyo aagga duulimaadyada ka caaggan.

Sargaal heer gobol ah oo hadlay ayaa sheegay in illaa 17 qof ay ku dhaawacmeen duqeynta, oo ay ka midyihiin shaqaalihii isbitaalka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Liz Truss ayaa weerarkan ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah.

Mar sii horeysay, wasiirka arrimaha dibedda Ukraine Dmytro Kuleba ayaa sheegtay in Ruushka ay afduub u haystaan wax ka badan 400,000 oo qof.

Ruushka ayaa ku adkaysanaya in uusan bartilmaameedsanin shacabka iyo goobaha shacabka.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post