4941 Views

“Al-Shabaab dadka ay dilayaan iyo kuwa ay qarxinayaan kuma taageersani”

“Al-Shabaab dadka ay dilayaan iyo kuwa ay qarxinayaan kuma taageersani”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 23, 2016: Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ahaa taageerayaashii Maxkamadihii Islaamiga ee dalka soo maray ayaa markii u horeysay muddo 10-sano kadib ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo marxalada uu dalka marayo.

Xaaji Abuukar oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 1960 markii xornimada la qaatay ay dalka ka dhacday cadaalad xumo, in been la sheego iyo in laga jeestay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

“1960 markii xornimada la qaatay islaamka waa laga jeestay, waxaa dhacday cadaalad xumo, been iyo in hantida ddka la xoogo, anaga muslim ayaa nahay, waa inaan ku dhaqnaa shareecada islaamka”ayuu yiri Abuukar Cumar Caddaan oo sheegay in aanu qarsan doonin aragtidiisa, isla markaana mar walba isaga la eedeeyo, fulayna aanu xantiisa moogeyn.

Waxaa uu sheegay inuu horay u taageeray Maxkamaddi Sheekh Cali Dheere iyo Midowgii Maxkamadaha ee hana-qaaday sanadkii 2006-dii, isla markaana intaba waxa ay la bur bureen ay aheyd been sida uu hadalka u dhigay.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay in waxa uu isaga sugayo uu yahay cid si dhab ah kitaabka ugu dhaqanta.

“Aniga kursi ma rabo, waxaa ku talinayaa in Alle kitaabkiisa loo noqdo, is qab qabsiga la joojiyo, dowladaha gaalada ee beenta noo sheegaya aan iska dhaafno, gaalada ha inaga baxdo, anagoo Islaam ah iyo iyagoo gaalo ah aan dhaqano, in iyaga ka amar qaadano ma ahan”ayuu yiri Abuukar Cumar Caddaan.

Waxaa uu sheegay in isaga uu la aamusi waayay dhibaatada dalka ka jirta, isla markaana aanay dalka anfaceyn Lix madaxweyne maamul goboleed oo mar walba Itoobiya looga yeerayo, ayna jirin qof ka shaqeyneyso qaranimada sida uu yiri.

“Aniga waa ley tanta waxaa ley dhahaa Al-Qaacida waaye, aniga Al-Shabaab kuma taageersani dadka ay dilayaan, kuwa ay qarxinayaan, dadka la dilayo iyagoo masaa’jidada ka soo baxaya”ayuu yiri Abuukar Cumar Caddaan.

Xaajigaan, ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa Ganacsatadii ugu tunka weyneyd ee Koofurta Soomaaliya, isagoo taageeray Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee sanadkii 2006 ka saaray gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya Hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment