885 Views

Gaari xalay Muqdisho ku jiiray dad shacab ah oo khasaaro badan dhaliyay.

Gaari xalay Muqdisho ku jiiray dad shacab ah oo khasaaro badan dhaliyay.
____________________________________________________________________________


axad: February 27, 2022

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa dhintay  halka 5-qof ay dhaawacmeen, kadib markii gaari nooca raaxada ah oo bareeg-goostay uu xalay abbaaro 12 habeenimo oo daqiiqado la’ jiiray dad ku caweynayey banaanka maqaayad ku taalla isgoyska Shaqaalaha ee Muqdisho.

Xiliga uu shilkan dhacayay ayaa Gaariga la sheegay in markii hore uu si xawli ah uga soo gubdbay jeckpoint ka agdhawaa maqaayadda ay dadkan fadhiyeen.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa daqiiqado kadib soo gaaray goobta iyada oo Dadkii dhaawacmay loo qaaday idbitaalada magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ilaa iyo hadda wax war kama soo saarin falkan, waxaa xusid mudan in shilalka noocaan ah oo kale ay xiliyada qaar ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post