1344 Views

Xildhibaan Dhakool oo Gacmaha ka xiran oo Maxkamad la horgeeyay

Xildhibaan Dhakool oo Gacmaha ka xiran oo Maxkamad la horgeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 11, 2019 –Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Xildhibaanada Somaliland oo labada gacmood xiran ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.

 

Cabdi Qawdhan Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka maroodi-jeex , ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka, maadaama xildhibaanka aan wali laga qaadin Xasaanadda.

 

 

Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkamadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin.

 

Ciidamada Booliska ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xiran yahay.

 

Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay maalin madow, kadibna ciidamada ayaa xiray.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment