633 Views

Booliiska Puntland oo Gaalkacyo ku qabtay gaari laga soo xaday degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Booliiska Puntland  oo   Gaalkacyo ku qabtay gaari laga soo xaday degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
____________________________________________________________________________

Axad: August 29, 2021

Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku qabtay gaari laga soo xaday degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in gaariga la soo xaday iyo kooxdii wadatay lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Hawlgalka lagu qabtay gaarigaas waxa fuliyay Booliiska saldhiga Galbeed ee Gaalkaco, sida lagu sheegay warka.

Booliiska ayaa soo bandhigay sawirka gaariga oo ku jira gacanta ciidanka, inkastoo aysan muujin sawirada dadka lagu qabtay gaarigaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post