729 Views

Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Magaalada Beledweyne

Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2020 –Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed ayaa Maanta Shir Guddoomiyay kulan looga hadlayay Amaanka degaannada Hir-Shabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada baladweyne.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 27aad  kuwa Amisom ee ka socdo dalalka jabuuti iyo Itoobiya, iyada oo kulanka siweyn loogu falan qeeyay Amniga guud ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ayaa Warbixino la xiriira amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyaga oo sheegay in Amniga uu yahay mid wanaagsan.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed ayaa ugu baaqay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga degaannada Gobolka Hiiraan.

Shirka looga hadlayay Amniga ee lagu qabtay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer Magaaladaasi lagu dilay guddoomiye Xaafadeedyo iyo Ciidamo ka tirsan dowladda, sidoo kalena weeraro madaafiic ahaa ay Al-Shabaab ku qaadeen Xeryaha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ee Magaalada Beledweyne.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post