963 Views

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaawo Cabdi Samatar.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaawo Cabdi Samatar.
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 11, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed guud ahaan oo ay ka geeriyootay Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, xaaskii Madaxwaynihii Hore AUN Cabdullahi Yusuf Axmed.

“Waxaan Allah uga baryayaa in uu naxariistiisii ka waraabiyo, qabrigeeda u waasiciyo, hoygeedana janno ka dhigo” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxda Soomaaliya oo uu ku jiro madaxweynaha Federaalka, madaxweynayaal hore iyo madax kale oo kala duwan ayaa ka tacsiyeeyay geerida marwadii hore ee Soomaaliya, Xaawo Cabdi Samatar ayaa u dhaxday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Cabdullaahi ayaa madaxweyne noqday sanadkii 2004-tii, wuxuuna xilkaasi ka dagay 2008-dii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post