951 Views

Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliland oo toogasho lagu dilay

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-16-2020–Wararka laga helayo Degmada Lughaye oo ka tirsan Gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliland uu Askari ku dilay Tuulada Tuurka ee degmadaasi.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen Askariga la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Saleebaan Cabdilaahi Jaamac Ducaale,waxaana uu ka tirsan Ciidamada Millateriga ee ku sugan Saldhiga Geerisa ee degmada Lughaye.

Xilliga la dilayay Askariga ayaa la sheegay in uu jiifay, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn sababaha keenay dilka askariga iyo waxyaabaha ay isku qabteen.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa u suurtagashay inay askariga dilka geystay kasoo qabtaan deegaano u dhexeeya Beeyo-cadaado iyo Gargaara, waxaana lagu soo xiray saldhiga Booliiska Gargadadar ee Gobolka Awdal.

Wararka laga helayo Degmada Lughaye oo ka tirsan Gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliland uu Askari ku dilay Tuulada Tuurka ee degmadaasi.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen Askariga la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Saleebaan Cabdilaahi Jaamac Ducaale,waxaana uu ka tirsan Ciidamada Millateriga ee ku sugan Saldhiga Geerisa ee degmada Lughaye.

Xilliga la dilayay Askariga ayaa la sheegay in uu jiifay, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn sababaha keenay dilka askariga iyo waxyaabaha ay isku qabteen.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa u suurtagashay inay askariga dilka geystay kasoo qabtaan deegaano u dhexeeya Beeyo-cadaado iyo Gargaara, waxaana lagu soo xiray saldhiga Booliiska Gargadadar ee Gobolka Awdal.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post