1806 Views

Dabeylo holac wata oo ku dhuftay gobol ka mid ah Mareykanka

Dabeylo holac wata oo ku dhuftay gobol ka mid ah Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 09, 2018 —Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Kumannaan qof laga saaray Waqooyiga California iyadoo dabeylo holac wata oo keymaha ka kacay ay ku wajahan yihiin dhowr magaalo oo ku yaalla buuralleyda Sierra ee dalka Mareykanka.

Maamulka Gurmad deg deg ah ayaa sheegay in Dabkan oo shalay ka kacay meel u dhow Camp Creek, ay sii huriyeen dabeylo xooggan iyo keymaha oo qallalan.

Magaalooyinka deriska la ah, iskuullada iyo isbitaallada ayaa dadka laga saaray, iyadoo qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Paradise ay ku xayiran yihiin meesha.

Maamulka gobolkaasi ayaa sheegay inay jirto khasaaro ka dhalatay dabkaasi.

Sida ay werisay warbaahinta gudaha Jawiga dabeylaha ayaa gaaray 50mph (80km/h), waxayna taas sababtay in holacu uu muddo saacado yar gudahood ku gaaro meelo badan, dadka qaarkood ayaa ku qasbanaaday inay ka tagaan gawaaridooda ayna lug ku baxsadaan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment