303 Views

kulanka maanta ay yeelan doonaan Baarlamaanka galmudug

kulanka maanta ay yeelan doonaan Baarlamaanka galmudug
____________________________________________________________________________

 

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Waxaa maanta maanta kulan ku leh xarruuntooda magaalada Dhuusamareeb Baarlamaanka Galmudug, sida ay shaaciyeen Guddoonka Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka ayaa ah sidii baarlamaanka loo horkeeni lahaa Qorshaha dib u eegista Dastuurka Galmudug, si ay uga doodaan.

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Galmudug oo shalay Dhuusamarreeb ku kulmay ayaa sheegay qorshaha wax ka badalka Dastuurka ay muddo ka doodeen, balse ma caddeyn qoddobada ay diyaariyeen si wax ka badal loogu sameeyo.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in baarlamaanka Galmudug ay muddo kordhin hal sano u samayn doonaan Madaxweynaha Maamulka, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug waxaa la doortay 2 February sannadkii 2020.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post