585 Views

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ku amaanay U qeybsanayaasha Safaaradda Somaliya Socdaalka Kenya dadaalka uu muujiyay Sawiro

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka  oo ku amaanay U qeybsanayaasha Safaaradda Somaliya Socdaalka  Kenya dadaalka uu muujiyay Sawiro
____________________________________________________________________________


Sabti: December 11, 2021

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo maalmo ka hor ku tagay  safar shaqo dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa kormeer ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Agaasime Cabdulqaadir  oo safaro ku kala bixinayay Dalalka dariska ah, tan iyo markii loo magacaabay Xilkaas, ayaa u kuur galay Xaalada safaarada Soomaaliya ee Kenya, iyo siday bulshada ku Nool Kenya u helaan adeega Basaporka Somaliya oo ay xaqa u leyihiin.

Kulankaas ayaa waxaa ku wehliyay U qaybsanaha safaarada Soomaaliya ee Kenya dhinaca Basaporada Xasan oo halkaas ku soo dhaweeyay Agaasimaha, waxa uuna ka  war bixiyay Xasan Adeega Basaporka Somaliga iyo siday dadka Soomaaliyeed u helaan adeega ay xaqa u leeyihiin Marka ay yimaadaan safaarada Soomaaliya ee Kenya.

 Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Xassan ayaa, waxaa uu halkaas uga war Bixiyay xaalada halkaas Agaasime Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) taasi oo ku saabsan Xafiisyada adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka isla markaana Agaasimaha Guud uga warbixiyeen adeegyada ay siiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Sidoo kale  Agaasime Guud Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul)  ayaa ku amaanay shaqaalaha safaarada dadaalka ay muujiyeen, waxaana halkaas Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul)  ku soo wareejiyay Xassan oo ah u qaybsanaha safaarada Soomaaliya ee Kenya, Xafiisyada safaarada ee dhinaca Basaporka Somaliga.

Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul)  ayaa ku amaanay Xassan iyo shaqaalaha safaarada siday u mare, Habraaha shaqada isagoo kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeegaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Kenya, isla markaana ay ilaaliyaan Shuruucda iyo Habraacyada lagu bixiyo adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka.

Abdihakim Elmi hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post