1185 Views

Madaxweynihii hore ee Ghana oo ka laabtay go’aankii uu ku aqbalay inuu noqdo ergeyga Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee  Ghana oo ka laabtay go’aankii uu ku aqbalay inuu noqdo ergeyga  Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

May 20 2021

John Dramani Mahama oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana ayaa ka laabtay go’aankii uu ku aqbalay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan xal u helidda khilaafka doorashada Soomaaliya.

Warqad uu u qoray guddoomiyaha Midowga Afrika ayuu Mahama ku sheegay in muhiimadda shaqada loo igmaday ay u baahan tahay inuu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada siyaasada Soomaalida.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili dowladda Somalia ay kasoo horjeesatay magacaabidiisa ka dib shaki badan oo ay ka muujisay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo

Qoraal DF u dirtay Midowga Afrika ayey sidoo kale ku sheegtay inaan loo baahneyn ergeyga Midowga Afrika maadaama laga laabtay muddo kororsigii dhaliyey khilaafka, ra’iisul wasaare Rooblena kulan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada.

Mahama oo gartay inuusan ka shaqeyn karin Somalia ayaa qoraalkiisa ku sheegay in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto doorkiisa ku aadanaa xal u helida khilaafka Soomaalida.

Lama oga talaabada xigta ee uu qaadi doono Midowga Afrika,balse waxaa dhici karta ineysan soo magacaabin ergay kale haddii uu guuleysto shirka Sabtida Muqdisho uga furmaya madaxda DF iyo dowlad goboleedyada sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasada Soomaalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post