768 Views

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & C/raxmaan C/Shakuur?

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & C/raxmaan C/Shakuur?
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 06, 2021
–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka wada hadleen tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo.

Sidoo kale  waxaa uu sheegay in RW Rooble uu u balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda. sidoo kalo ay ka wada hadleen xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada iyo laga wada shaqeeyo xasiloonida dlaka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post